Gudiga doorashada Baarlamanka oo shaaca kaqaaday ineey gacanta ku hayaan 3-musharax oo kaliya

Gudiga doorashada gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca kaqaaday in ay haatan socoto diiwaan galibnta xubnaha isku soo sharaxaya gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cismaan Libaax oo ah afhayeenka gudiga dorshada oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ay haatan jiraan xubno si toos ah isku soo diiwaangaliyay kuwaasi oo u sharaxan gudoomiyaha baarlamaanka.

Afhayeenka ayaa sheegay in ilaa iyo hadda inay hayaan seddex musharax oo gudoonka baarlamaanka doonaysa kuwaasi oo uusan shaacin inay sharuudihii soo buuxiyeen,laakiin uu sheegay inay araajida soo gudbiyeen.

Sidoo kale wali wuxuu sheegay ay socoto qabashada araajida isla markaana ay soo dhowaynayaan musharax kasta oo soo buuxiya shuruudaha laga doonayo.

Doorashada gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo waliba ku xigeenadiisa ayaa waxaa lagu balansanyahay in la qabto 26-bishaan oo ay haatan labo maalmood oo kaliya ay ka harsantahay.

Xubnaha ilaa iyo haatan ku dhawaaqay in ay u sharaxan yihiin xilka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Prof. Jawaari Cali Qaliif Galayr, iyo C/risaaq Jurille.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here