Gudiga Doorashada Baarlamaanka oo saakay is arkaya

Kadib marki shalay lagu doortay fadhigi labaad ee baarlamaanka ayey maanta yeelanayaan kulanki ugu horeeyey gudiga doorashada gudoonka baarlamaanka.

Gudigaan oo kasoo shaqeyn doono doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo kan madaxweynaha ayaa ku kulmaya xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho oo ay shalayna ku kulmeen.

Xikdhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay ka hadli doonaan isku daba ridka iyo qaabeynta doorashada gudoomiyaha baarlamaanka oo 25-ka bishan lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

“Kulanka gudiga oo ah kii ugu horeeyey ee maanta aan yeelano ayaan ku falan qeyneynaa sida ay u wajaheyno musharaxiinta,” ayey tiri.

Gudiga doorashada oo uu shalay ku dhawaaqay gudoomiyaha kumeel gaar ah ee baarlamaanka ayaa waxa uu ka koobanyahay 15 xubnood kuwaasi oo kala ah:

1- Caasho Xaaji Cilmi

2- Xasan Macalin Xuseen

3- Nuur Iidoow Beyle

4- Maxamed Maxamuud Guure

5- Sahro Jaamac Cali

6- Ciise Maxamuud

7- Maxamed Ismaaciil

8- Khadiijo Maxamed Diiriye

9- Caadil Sheegoow Sagaar

10- Maxamed Warsame

11- Fowsiyo Maxamed Sheekh

12- Cismaan Libaax

13- Sahro C/qaadir

14- Ciise Maxamed Cali

15- Feysal Cumar Guuleed.

Waxyaabaha laga dhowrayo in kulankooda kasoo baxo ayaa waxaa ka mid ah shuruudaha laga rabo musharaxa iyo waqtiga ay bilaaban doonto qabashada araajida iyo codsiyada musharaxiinta u taagan xilka gudoomiyaha baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here