Gudiga Amniga qaranka oo war kasoo saaray dagaalada Buuhoodle

Gudiga amniga qaranka Dowlada KMG Soomaaliya ayaa war kasoo saaray dagaalada Buuhoodle kadib kulan ay shalay gelinki danbe ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulankaasi kadib ayey kasoo saareen war saxaafadeed, waxaana uu o qornaa qoraalka sidan:

(Muqdisho, January 15, 2012): Kulankii caadiga ahaa ee ay maanta isugu yimaadeen Gudiga Amniga Qaranka oo looga hadlay xaaladda amni ee dalku ku suganyahay iyo gaar ahaan dagaalada ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Sool, uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed isla markaana ay kasoo qeyb galeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha Xukuumadda, Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga iyo Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidanka & Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ayaa waxay ku tilmaameen wax laga xumaado dagaalki manta ka dhacay Magaalada Buuhoodle.

Warbixino iyo dood dheer ka dib gudigu:

1. Wuxuu walaac ka muujiyay dagaaladii maanta ka dhacay degmada Buuhoodle ee Gobolka Sool, halkaasoo ay ka dhaceen dhibaatooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac

2. Wuxuu u tacsiyadeynayaa eheladii ay ka baxeen dadka geeriyooday asagoo dhinaca kalana u rajaynaya dhaawaca in illaahay ka kiciyo dhibaatada gaartay.

3. Wuxuu baaq nabadeed usoo jeedinayaa dadka dega deegaanka ku waasoo wadaagga xiriir iyo dhaqan soo jireen ah

4. Xiriirkaas wuxuu u baahanyahay in lagu ilaaliyo nabad lagana fogeeyo xumaanta & dagaalada, waxaan hubnaa inaysan cidna dan ugu jirin gacan ka hadal iyo fidno ka dhex abuuranta bulshada walaalaha ah ee deegaanka.

Sidaas awgeed, wuxuu guddigu ku baaqayaa in si deg deg ah oo aan wax shuruud ah laheyn loo joojiyo gacan ka hadalka iyo shidada, laguna xaliyo wax kastoo khilaafaad ah Wada hadal laguna gaaro is afgarad walaaltinimo.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka KMG ah waxay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato wax kasta oo lagu soo celinayo nabadda iyo walaaltinimada soo jireenka ah ee bulshada deegaanka.

DHAMAAD