Gudiga Amniga Qaranka oo isku raacay in ciidanka qalabka sido uu yeesho hal afhayeen

Qoraal kasoo baxay gudiga Amniga Qaranka ayaa lagu faah faahiyey qodobadi kasoo baxay kulan ay xalay yeesheen.

Qoraalka oo nuqul ka mid ah nasoo gaaray ayaa u dhignaa sidan:-

War-murtiyeedka Shirka Gudiga Amniga Qaranka

(Muqdisho, Marso 22, 2012) Guddiga Amniga Qaranka oo xalay kulan yeeshay ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed waxaana looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka gaar ahaanna tan magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa si gaar ah lagu falanqeeyay falalka qaraxyada ah ee ay maleegayaan maleeshiyada Alshabab (Alqaacida) ee maalmahan Muqdisho ku soo korortay.

Guddiga Amniga Qaranka waxaa uu bogaadiyay, kuna amaanay Ciidamada Amaanka foojignaantooda, waxana Gudigu ugu habalyeeyay sida ay u fashiliyeen Ciidamadu, Miinooyinkii iyo gawaaridii qaraxa lagu soo rakibay usbuucyadii la soo dhaafay. waxayna ku booriyeen ciidamada in ay sii labo jibaaraan dadaalkooda ku aadan soo qabashada iyo xiridda argagixisada.

Gudiga amniga waxa ay go’aan ku gaareen si loo xoojiyo Dhanbaalka Xukuumadda :

1-Inay waajib tahay in uu jiro hal afhayeen oo ay yeeshaan Ciidamada Qalabka sida iyo Ciidamada Amaanka, kaasoo ka hadla arrimaha Ammaanka.

2-Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta ay mas’uul ka tahay in ay ku hadasho afka dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Dhamaad.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.