Gudiga Amniga ee baarlamaanka ayaa ka digay weeraro ay sameeyaan Al Qacida

Gudiga amniga ee baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa ka digay weeraro argagixso oo ay Muqdisho ka sameeyaan Al Qaacida.

Gudoomiye ku xigeenka gudiga amniga baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan oo maanta Muqdisho shir jaraa’id ugu qabtay saxaafada ayaa sheegay in ay jiraan qorshayaal ay Al Shabaab iyo Al Qaacida ku rabaan in ay ku beegsadaan dadka reer Muqdisho.

“Weeraradi wuxuushnimada ahaa ee gardarada ahaa ee lagu soo qaaday umada Soomaaliyeed sida qaraxi ka dhacay hotel Muna iyo meelo ka horeeyey waxaa sameeyey Al Shababaa, waxaan leenahay in ay hey’adaha amniga u diyaar garoobaan ka hortagiga weeraro argagixso oo ay nagu soo wadaan Al Qacida,” ayuu yiri Xuseen Caraale.

Al Shabaab ayaa sheegtay weerar is qarxin ahaa oo todobaadki hore dhamaadkiisi lagu qaaday goob lagu qaxweeyo oo ku taala duleedka danbe ee Hotel Muna ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.