Gudig Soo Xulista Xildhibaanada Oo Sheegay In Maanta Oo Khamiis ah Soo Bandhigi Doonaan Xildhibaanda Cusub

Gudiga farsamada soo xulista xubnaha xildhibaanada oo shaaciyay in maanta oo khamiis ah ey soo bandhigi doonaan xubnaha matali doonaa xildhibaanada Soomaaliya.

Prof. C/llaahi Xiirey ayaa idaacada VOA u sheegay in ey soo bandhigi doonaan maanta oo bisha ey tahay 16 bisha August isagoo sheegay in ey ku howlanaayeen soo xulista waqti badan iyagoo ey gudiga la kulmeen caqabado fara badan balse markii danbe ey ku guuleysteen.

Gudiga ayaa waxaa ey howshan bilaaben horaantii bisha August iyagoo isku qeybshay gobolada dalka si ey u soo aruuriyaan xubnaha mateli karo shacbaka Soomaaliyeed.

Warar hoose oo ka soo baxayo gudiga ayaa sheegaya in weli liiska uusan buuxin iyagoo sheegay in ey jiraan xildhibaano la soo gudbiyay ee gudiga dib u celiyeen sida la sheegayo taas ayaa sabab u ah dib u dhaca weyn ee ku yimid soo bandhiga xildhibaanada cusub.

Sidoo kale gudiga ayaa sheegay in ey gacanta ku hayaa 170 xildhibaan waxeyna sheegeen in ey dhimanyihiin kontomeeyo kale iyagoo sheegay in beelaha soomaaliyeed ey iska soo gudbiyaan xildhibaanadooda si howsha ey meel fican ugu dhamaayo.

Sikastaba beelaha qaar ayaa ku muransan qaabka ey iskaga soo dhax xuli lahaayeen xildhibaanda matali lahaay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here