Gudi ay dowlada u magacawday qiimeynta dabki Xamar Weyne oo la kulmay ganacsatada

Waxaa maanta kulanki ugu horeeyey isla qaatay gudi ay iska soo saareen ganacsatadi ku hanti beeshay dabki suuqa Xamar Weyne iyo gudi heer wasiiro ah oo ay xukumada u saartay qiimeynta qasaaraha.

Gudiga dowlada ka socday oo booqday suuqa gaar ahaan qeybta uu ka gubtay ayaa waxaa hogaaminayey wasiiru dowlaha ganacsiga iyo warshadaha Maxamed Axmed Keynaan, waxa ay isla falan qeeyeen sida ugu haboon ee loo qiimeyn karo baaxada qasaaraha iyo sida loo kala daranyahay.

Mr Maxamed Keynaan oo goobta kula hadlay wariyaasha ayaa sheegay in dowlada ay qaban doonto wixi karaankeeda ah, isaga oo ka codsaday ganacsatada in ay si wanaagsan ugala shaqeeyaan arintan gudiga.

Ganacsade Cabdi Cilmi oo gudoomiye u ah ganacsatada ku ceyrtoobay suuqa Xamar Weyne ayaa sheegay in uu jiro qasaaro balaaran oo soo gaaray dad badan oo masaakiin ah, isla markaana loo baahanyahay in loo gurmado dadka ku ceyrtoobay dabka.

Dabki ka kacay Suuqa Xamar Weyne ayaa ku koobnaa suuqa qudaarta, balse waxa uu baabi’yey xarumo badan oo ganacsi oo u badnaa jiingado.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.