Guddoonka baarlamaanka oo magacaabay gudiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoonka sare ee barlamanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay guddi diyaariya doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Soomaaliya kadib kulan ay Xildhibaanada maanta ku yeesheen Xarunta golaha Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee gudiga dastuurka baarlamaanka C/qaadir Sh Ismaaciil ayaa maanta waxa uu saxaafada u aqriyay warqad ay ku qornaayeen gudiga doorashooyinka baarlamaanka cusub kasoo ku saxiixnaa gudoomiyaha kuxigeenka koowaad ahna gudoomiyaha KMG ah ee baarlmaanka .

Magacyada gudigana waxaa ka mid ahaa

1.   Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma dheere

2.   Sh Nuur Cali Aadan

3.   Daahir Amiin jeesow

4.   Ibraahin Maxamed

5.   Cali Cumar Geedi

6.   Cabdi Ibraahin Cabdi

7.   Maxamed Maxamuud Weekiyo

8.   Ismaaciil Maxamed Cabdi

9.   Maxamed Ibraahin Cabdulle

10 Maxamed Sh Nuur Ismaaciil.

Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil ayaa Saxaafadda u aqriyey waxyabaha ay qaban doonaan guddigan sida inay qorsheeyaan  howlaha shaqo ee barlamanka,qabashada araajida musharaxiinta isu soo taagaysa xilka gudoomiyenimo,diyaarinta qalabka iyo dikumintiga, ku dhawaaqidda waqtiga ay dhacayso doorashada,sugidda ammaanka goobta ay ka dhacayso doorashada, Maamulidda iyo ilaalinta habsami u socodka howlaha doorashada iyo wacyo galinta, go’aanada uu gaaray baarlamaanka ayaa waxaa ku saxiixnaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka Axmed Dhimbil Rooble Casoowe.

Hase yeeshee go’aankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli maanta uu wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka uu ku dhowaaqay in baarlamaanka uusan shirar yeelan karin muddo afar toddobaad ah isla markaana ay la wareegeen ammaanka xarunta baarlamaanka ciidamao boolis ah.