Guddoonka baarlamaanka oo diiday mooshin ka dhan ahaa heshiiska Dowladda iyo Somaliland

Guddoonka golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa joojiyay mooshin ay dhowaan u gudbiyeen xildhibaannada qaarkood oo ku saabsanaa heshiiska ay dowladda Soomaaliya dhowaan la saxiixatay maamulka Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlammaanka Soomaaliya Mahad Axmed Cawed oo ka hadlaayay kulan ka dhacay xarunta golaha shacabka oo uu isaga shir guddoominaayay ayaa sheegay in aanay xildhibaannada soo hordhigi karin baarlamaanka mooshin ku saabsan heshiiskaas.

“Barnaamijka xukuumadda ee la meel-mariyay 13-kii Novmber 2012, wuxuu xukuumadda siinayaa awood ay ku qabsato howlaha siyaasadda dalka, sidaa daraadeed golaha baarlamaanku ma faragelin karo howlaha xukuumadda ee dhinaca siyaasadda,” ayuu yiri Cawad.

Mahad Axmed Cawed ayaa diidmada mooshinka ku macneeyay in wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay khusayso golaha wasiirrada, ayna sharci-darro tahay in uu farageliyo baarlamaanka.

Dowladda Soomaliya iyo maamulka Somaliland ayaa dhowaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiis ku saabsan sidii uu maamulka wax uga wadaagi lahaa deeqahja uu caalamku siiyo dowladda Soomaaliya, waxayna labada dhinac isku af-garteen in ay wada-hadallada sii wataan.

Waa markii ugu horreysay oo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya uu si cad ah isku hortaago mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here