Guddoomiyihii Majmaca culimada somaliyeed Sheekh Axmed Dhicisow oo Muqdisho ku geeiyooday.

Alaha u naxariisto waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Guddoomiyihii Majmaca culimada somaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow.

Marxuum Sheekh Axmed DHicisoow ayaa habeen barki xalay uu wadnaha istaagay isagoo ku sugan gurigiisa waxaana mudoooyinkii dambe uu ka sheeganayay cuduro badan oo is biirsaday iyo Sheekha oo Da’ ahaa.

Meydka Marxuum Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa lagu wadaa in salaadda duhir kadib lagu aaso magalada Muqdisho iyadoo lagu wado inay ka qeyb galaan aaaska Sheekha madax ka tirsanaa dowladdii dhacday iyo qaar kamid ah xildhibaanada cusub.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here