Guddoomiyihii guddigga qoray farta Soomaaliga oo Muqdisho ku geeriyooday

 

Guddoomiyihii guddigga qoray farta Soomaaliga oo Muqdisho ku geeriyooday
Guddoomiyihii guddigga qoray farta Soomaaliga oo Muqdisho ku geeriyooday

Allaha ha u naxariisto waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Shariif Saalax Maxamed Cali oo ahaa siyaasi rug cadaad ah isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay maamuladii kala dambeeyay ee dalka soo maray.

Marxuumka ayaa sidoo kale door ku lahaa qorista farta Soomaaliga.

Wuxuu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Muqdisho oo ay maamsho dowladda Turkiga, kaddib markii dhiig uu madax uga furmay sidda la sheegay.

Shariif Salaax ayaa lagu tilmaamay shaqsiyadiisa mid ay ugu weyn tahay Soomaalinimada, islamarkaana ay u sinaayeen bulshada oo dhan kan wax haysta iyo midka aan wax haysanin.

Marxuumka ayaa madax u soo noqday Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu madax u noqday guddigii farta Soomaaliga qoray.

Allaha u naxariisto Shariif Saalax Maxamed Cali ayaa ku dhashay degmada Xuddur ee gobalka Bakool sannadkii 1936-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here