Guddoomiye xaafadeed caawa lagu dilay Jowhar

Kooxo hubaysan ayaa caawa mid ka mid xaafadaha magaalada Jowhar ee gobalka Shabeellaha Dhexe ay ku toogteen guddoomiyihii xaafadda Hantiwadaag oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cabdullaahi Yicib.

Dadka goobjoogayaasha ayaa warbaahinta  u sheegay in saddex nin oo ku hubaysan bastoolado ay bartamaha magaalada Jowhar ku toogteen marxuumka, salaaddii maqrib ee caawa.

Kooxda dilka geestay ayaa durba goobta ka baxsaday, waxaana la sheegayaa in goobta marka dilka uu dhacay waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka kuwaasoo howgalo dad badan ay ku soo qabqabteen ka sameeyay xaafadda.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka guddoomiye xaafadeedka caawa lagu dilay magaalada Jowhar, waana markii ugu horreysay oo dil loogu geestay magaalada masuul ka tirsan dowladda tan iyo markii Al-Shabaab, laga saaray xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ee Jowar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com 

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here