Guddoomiye Tarzan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib booqasho uu ku tegey dalka Turkiga

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho  kadib markii uu booqasho toddobaad ah uu ku tegey dalka Turkiga.

Mudadii uu booqashada ku joogay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxa uu kulamo la soo qaatay duqa magaalada Istanbul waxana labada dhinac ay isku raaceen in la mataaneeyo labada magaalo.

Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir oo saxaafadda hadal kooban ku siiyay gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa sheegay in safarkiisa uu ahaa mid guul weyn ay uga soo hoyatay magaalada Muqdisho kadib markii magaalada Istabul ee dalka Turkiga ay soo codsatay in lala mataaneeyo Muqdisho.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banadir ayaa wafdigan ku soo dhoweysey garoonka dayuuradaha iyagoo si weyn loo soo dhoweeyey duqa magaalada Muqdisho.

Dib u soo laabashada duqa magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegantay xilli uu maamulka gobolka uu burburin ka sameeyey goobo ganacsi inta u dhexeysa isgoyska Zoppe iyo isgoyska Banadir isla markaana laga saaray dadkii degenaa dhismooyin dowlada ay ku lahayd magaalada Muqdisho.