Guddoomiye Tarsan “Shabaab waxa ay ogyihiin in lasii daynaayo markaaseey dil geysanayaan”

Guddoomiyaha Gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay dilalka qorsheysa oo ay Ururka Al-Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir wuxu sheegay in Shabaab sababta dilalka ay uga geestan Magaalada Muqdisho ay tahay in marka dil ay geestaan oo ciidamada Dowladda Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigaan kadib xabsiyada laga sii daayo.

Tarsan wuxuu sheegay in ciidamada Nabadsugida qaranka Soomaaliyeed marka ay gacanta ku dhigaan Shabaab oo ay xabsiga dhigaan ay jiraan dad ehel la ah oo xabsiga kasii daaya gacan ku dhiiglayaashaas.

“Hadii Shabaab marka dil ay fuliyaan kadib ciidamadana ay soo qabtaan tallaabo adag laga qaado ama dil toogasho ah lagu xukumo ciidamada dib dambe dilal qorsheysan uma geysanayaan”

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliyaugu baaqay inay adkeeyaan inaan lasii deyn raga ka tirsan Shabaab ee cidanka Dowladda Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigaan marka ay dilalka qorsheysan ay fuliyaan.

Ugu dambeyn wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ciidanka qaranka Somaliyeed ay ku dadaalaan xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho o ciidamada ay kuwada sugan yihiin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here