Guddoomiye Taabit oo ku guuleystay furitaanka waddo xirneyd 20 sano

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa u guuleystay inka badan 20 sano kadib inuu furo waddo u xirneyd nadaafad daro.

Guddoomiyaha ayaa horaantii todobaadkii hore baldoosaro iyo gaadiid kale geliyay waddada Cirtoogte oo isku xirta Isgoyska Bakaaraha iyo Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Taabit oo saxaafada kula hadlay bartamaha waddadaasi ayaa sheegay in muhiimad gaar ah u leedahay furitaanka waddadaasi laguna guuleystay sanado badan kadib.

Wuxuu ugu baaqay ganacsatada ku ganacsata hareeraha waddadaasi inaysan qashinka aysan ku daadin hareeraha waddada, maadaama la doonayo in bilicdeeda lasoo celiyo.

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa dardaaran u jeediyay ganacsatada Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in ganacsatada laga doonayo in ay ka qeyb qaataan Nadaafada Suuqa Bakaaraha isla markaana Maamulka gobolka kala shaqeeyaan sidii loo hormarin lagaa Suuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here