Guddoomiye Siidii oo sheegay in Ciidan isku dhaf ah la geynaayo Gobolka Shabeellaha Hoose

siidiiGuddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Dowladda ay wado qorshe, ay Ciidan isku dhaf ah ku geyneyso Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiyaha, wuxuu sheegay in Ciidankaan ay isugu jiri doonaan Militari, Nabad Suggid, Boolis iyo Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Gudoomiyaha, oo galabta la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayaa wuxuu tibaaxay in dagaalada ay ku fidayaan dhul hor leh, isla-markaana uu ku baaqaayo in la soo kala dhex galo beelaha wada dagaalamaaya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalada maanta ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ay gaareen deegaanka Nambar Konton, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Marka iyo Afgooye.

Dhinaca  kale dagaalada Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa wuxuu xusay in ay ku barakacayaan shacabka ka soo kala jeeda beelaha wada dagaalamaaya, wuxuuse codsaday in dagaalka la joojiyo, xalna ay ka gaaraan, isla-markaana gargaar la soo gaarsiiyo dadka ku barakacaaya dagaalada.Madaxda Dowladda Soomaaliya ilaa iminka kama aynaan hadlin, dagaalada labada beelood u dhaxeeya, ee maalintiisii afaraad ka sii soconaaya Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here