Alla ha u naxariistee waxaa maanta oo arbaca ah Muqdisho ku geeriyooday guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olambikada Soomaaliya Xasan Elmen.
Sida ay u sheegeen Shabakadda Midnimo qaar ka mid ah ehalada Marxuumka, ayaa wadnaha istaagay, dabadeedna uu sidaas ku geeriyooday.
Marxuumka Xasan Elman ayaa dhowaan xilkaas loo doortay gaar ahaan doorashadii guddigga olombikada ee lagu qabtay Muqdisho.
Marxuumnka ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraixii ismiidaaminta ee ka dhacay bishii April golaha murtiyada qaranka Tiyaatarka ee Muqidisho.
Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa isla galabta lagu aasay, waxaana ka qeyb galay duugtiisa mas’uuliyiin ka tirsan bahda isboortiga oo uu ka mid yahay guddoomiyaha guddiga Olombikada gobolka Banaadir Axmed Nuur Xasan Cabdulle iyo maamulka kooxda kubbadda cagta ee Elman.
Xasan wuxuu ifka kaga tagay 5 gabdhood, 3 wiil iyo hal xaas.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com