Guddoomiyaha Kubada Cagta Jabuuti oo safar shaqo ku tagaya London

Guddoomiyaha Xiriirka Kubada cagta dalka Jabuuti ahna xubin ka tirsan FIFA Mr. Souleiman Hassan Waberi ayaa barri oo jimco ah waxaa uu safar shaqo oo laba maalmood qaadanaya ku tagayaa magaalada London ee dalka Ingisirka isagoo casuumaad rasmi ah ka helay ururka kubada cagta Yurub ee UEFA, wuxuuna ka mid yahy madaxda loogu talagalay in ay goob joog ka ahaadaan cayaarta finalka ee UEFA champions League.

Mr souleiman Wabeeri oo sidoo kale ah macalin xaga garsoorka ee FIFA ayaa warbixin safarkiisa ku wajahani waxaa ay sheegeysaa in uu magaalada London garoonka diyaaradaha ee Heathrow ka dagi doono barri oo jimco ah saacadu marka ay tahay 06:25, waxaana uu dagi doonaa hotelka weyn ee Marriot ee ku dhow garoonka Wembley.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa muddo laba cisho ah oo ay joogayaan magaalada London waxaa uu la kulmi doonaa madax ka tirsan xiririka kubada cagta ee yurub oo ku marti qaaday kasoo qeybgalka cayaarta finalka ah ee champions league oo ay isugusoo hareen laba kooxood oo ka wada dhisan dalka Jarmalka.

Mar Souleiman Waberi oo la hadlay xafiiska warfaafinta ee CECAFA ayaa sheegay in qorshaha uu u tagayo dalka Ingiriiska ay ka mid tahay in uu soo dhiso xiriir wada shaqeyneed oo balaaran oo ay yeelanayaan ururka Eufa iyo xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti ee uu madaxda ka yahay.

Mr Waberi oo muddo dheer soo ahaa xeer ilaaliye FIFA iyo macalinka garsoorka ee FIFA ayaa bishii 10-kii November sanadkii tagay ku guuleystay xilka guddoomiyenimada dalka Jabuuti waxaana mudadaas wixii ka dambeeyay uu hirlgeliyo mashaariic dhowr ah oo horumarineed oo ay tahay markii ugu horeysay ee laga hirgeliyo dalka Jabuuti.

Barnaamijkadaas ayaa waxaa ka mid ah cayaarta professional beach soccer oo waligeed aan horay looga cayaarin dalka Jabuuti, sidoo kale wuxuu dhisay mashruuca horumarinta dhalinyarada kubada cagta wuxuuna soo nooleeyay kaalintii gabdhaha ee kubada cagta dalka Jabuuti, iyadoo la qabtay horyaal ay gabdho oo keliya ku tartamayeen.

Mr Souleiman waberi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Heathrow kusoo dhaweyn doona  saraakiil ka tirsan UEFA oo uu la socdo Dr Cabdi Colaad Raage oo ah wakiilka xaga maamulka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta u fadhiya dalka Ingriiska.

Safarkiisa London kaddib ayaa mudane Souleiman Waberi iyo wafdigiisu waxaa ay u baqooli doonaan jasiirada Mauritius oo uu kagasoo qeyb geli doono shirweynaha 63-aad ee ururka kubada cagta aduunka ee FIFA, kaddibna wuxuu dib ugu laaban doonaa Magaalada Jabuuti si howlihiisa uu usii wato.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.co

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here