Guddoomiyaha gobolka Hiiran oo dhagax dhigey taallo lagu xasuusanayo qarax ka dhacay Beledweyne

Guddoomiyaha gobolka Hiiran C/fataax Xasan Afrax ayaa dhagax dhigey taallo la sheegay in lagu xasuusanayo dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay magaalada Beledweyne 18kii June 2009.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintey dad faro badan oo isugu jirey mas’uuliyiin iyo dadweyne rayid ah. Waxana ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday qaraxaas Wasiirkii Amniga Qaranka Col Cumar Xaashi Aadan iyo safiirkii dowladda Soomaaliya waqtigaa u fadhiyay Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ku tilmaamay qaraxaa inuu ahaa xasuuq ay dad muhiim ah ku geeriyoodeen,waxana uu tilmaamay in nal habeen iyo maalin daarnaan doono lagu xiri doono halka laga dhisayo taallada oo ah meel aan ka fogeyn hotelkii qaraxa lala beegsaday.

Munaasabadii dhagax dhigida ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan waxaana  dhisida taaladan ay ku soo beegantay xilli magaalada Beledweyne uu saaran yahay bandow.