Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo ku dhaawacmay shil gaari

Wararka ka imanaya gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in guddoomiyihii gobolkaas Cabdisamad Maxamed Gallan uu ku dhaawacmay shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Meermeerta.

Guddoomiye Cabdisamad ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud hase ahaatee saddex kamid ah ilaaladii la socotay ayaa ku dhimatay shilkan kadib markii uu wadada ka baxay gaarigii ay saarnaayeen.

Dhaawaca Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa la dhigey isbitaal ku yaal magaalada Boosaaso halkaa oo lagu daweynayo.

Wararka ayaa waxa intaa ku darayaan in shilkan ay sidoo kale ku dhaawacmeen afar kamid ahaa dadkii la socday guddoomiyaha.

Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa ku sii jeeday degmada Carmo markii uu shilkan dhacay.

Wadooyinka gobolada Puntland ayaa shilalka gaadiidka isticmaala ay aad u badanayaan iyadoo labo bilood kahor ay ku dhaawacantay shil gaari fanaanada Sahdo Cali Warsame meel ku dhow magaalada Garowe hase yeeshee shilkaa ayaa waxaa ku dhintey labo weriye oo la socotay fanaanada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here