Guddoomiyaha degmada Wadajir oo ka hadlay qarax ka dhacay meel u dhow suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Guddoomiyaha degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Axmed Xasan Caddow ayaa ka hadlay qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay meel u dhow suuqa weyn ee degmada Wadajir iyadoo qaraxaana uu ku geeriyooday hal ruux.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow Axmed Daaci ayaa sheegay in ay baaritaan ku samaynayaan sababta keentay qaraxan isagoo xusay in ay tahay markii labaad ee uu qaraxan ka dhacay halka uu shalay ka dhacay qaraxa.

Axmed Daaci ayaa xusay in qaraxan uu ahaa mid ka dhashay miinada dhulka la geliyo isla markaaana halka uu ka dhacay aysan ahayn meel ay ku badan yihiin isticmaalka gaadiidka dowlada isagoo xusay inay ka shakisan yihiin in qaraxan uu u dhexeeyo dad aan ka mid ahayn dhinacyada siyaasadda ku lug leh.


Qaraxan oo aysan sheegan inay ka dambeeyeen ururka Alshabaab ayaa hase ahaatee dadka ku dhaqan deegaanka uu qaraxan ka dhacay ay sheegayaan in qaraxan uu ahaa mid loogu talogalay qaar kamid ah dadka deegaankaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin burcad badeed.

Waxaana dadka ay xuseen in uu jiro khilaaf u dhexeeya qaar kamid ah burcad badeeda oo u isku haysata lacago madaxfurasho ah oo ay haystaan.