Guddoomiyaha cusub ee xiriirka kubada kolayga Somalia oo Muqdisho lagu doortay

Xaflad maanta ka dhacaday magaalada Muqidsho, ayaa lagu doortay guddoomiyaha cusub ee xiriirka kubada kolayga Soomaaliya.

Munaasabada oo ka dhacday guriga HOOYOOYINKA ee degmada Xamarwayne waxaa goob ka ahaa madax ka socota guddiga Olombikada Soomaaliya, xiriirka kubadda cagta iyo wariyaasha ciyaaraha ka faalooda ee ku sugan Muqdisho.

Doorashada waxaa isku soo tagaay hal musharrax oo ah Cabdulaahi Axmed Nuur “Cadaani” wuxuu horrey u ahaa garsoore caalami ah oo dhinaca kubadda kolayga.

Cadaani ayaa doorashadiisa waxa ay u dhacday si cod ah, wuxuuna halkaas ku helay codad badan, maadama aysan jirin cid la tartameysay.

Sidoo kale waxaa la doortay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad guddiga xiriirka kubadda kolayga Soomaaliya, waxaana loo doortay Bashiir Maxamed Yuusuf  Bashiir BOX, wuxuuna helay 14-cod.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad waxaa loo doortay Cali Xasan Cali.

Sidoo kale guddoomiye ku-xigeenka seddaxaad ayaa loo doortay qof dumar ah, waxaana loo doortay Gaani Xasan, Geeni waxa ay horrey u ahayd guddoomiyihii kubadda kolayga ee Batroolka.

Waxaa kaloo guddoomiye ku xigeenka afaraad ee kubadda kolayga loo magacaabay Xaawo Sheekh Axmed oo loo yaqaano Xaawo Taako, waxa ay ka mid ahayd ciyaartoydii qaranka dalkeena ee kubadda kolayga iyo kooxdii Jeenyo Ka Jeenyo.

Sidoo kale xubnaha la doortay waxaa ka mida h xoghayaha xiriirka kubada kolayga , waxaana markale loo doortay Saciid Faarax Ducaale, wuxuu horrey Saciid uga mid ahaa Kooxdii Batroolka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here