Guddoomiyaha cusub ee Degmada X/weyne oo ka digay in qori lagu dhex qaato goobaha bulshada “Sawirro”

Munaasabadaan uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha Degmada Xamarweyne waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno, mas’uuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Benaadir, guddoonka cusub ee Degmada, maamulkii hore ee degmada, ganacsato, qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay xarunta degmada Xamarweyne.

Munaasabadda ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Maxamed Bin Cali oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee degmada ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan maamulka cusub ee degmada Xamar weyne loo magacaabay,, isagoo maamulkii hore uga mahadceliyay in waxyaabihii u qabsoomay, ayna diyaar u yihiin inay La shaqeyaan maamulka cusub.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar weyne Cabdullaahi Ibraahim Sahal Gardhuub ayaa ka shakeeyay waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka hayay, oo ay ka midyihiin dib u dhiska kawaanka hilibka, kawaanka Kalluunka, dayactirka Masjidka Xaaji Cali, sameynta tirikoobka dadweynaha ku dhaqan degmada iyo waxyaabo kale.

Cabdullaahi Ibraahim Sahal oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay isbadalka socda, isagoo xusay in uu la shaqeyn doono maamulka cusub.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay guddoomiyihii hore iyo ku-xigeennadiisa waxa ay xilka ku wareejiyeen guddoonka cusub iyo ku-xigeennadiisa.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegay in uu marka hore uga mahadcelinayo maamulkii isaga ka horeeyay waxyaabihii u qabsoomay, isagoo ka hadlay qorshayaasha uu hiigsan doono oo ay ugu horeyso xoojinta amniga, ka shaqeynta horumarinta adeegyada bulshada, waxaana u shacabka ka codsaday in ay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

Gudoomiye Cabdiqaadir ayaa ka digay in qori lagu dhex sito goobaha shacabka, waxaana uu intaa raaciyay in maalmaha soo socda degmada laga dareemi doono isbadal dhinac walbo leh.

Afhayeenka iyo Xoghayaha guud ee gobolka Benaadir Maxamed Sheekh Cilmi oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa kula dar daarmay guddoomiyaha cusub in uu noqdo mid qaata talada dadka ay kala dhexeyso.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfulah oo munaasabadda soo xiray ayaa maamulkii hore ee degmada Xamarweyne ku tilmaamay kuwa wax badan degmada ka qabtay, maamulka cusubna looga fadhiyo iin uu la yimaado isbadallo muuqda.

Bulshada degmada ayaa waxa ay si aad ah u soo dhaweeyeen magacaabista guddoonka cusub ee degmada oo ay ku tilmaameen in uu yahay aqoon yahan ka soo jeeda degmada, ayna ka rajeynayaan in uu la yimaado wax qabad muuqdo.

Muddo 23 sano kaddib oo xilka guddoomiyaha loo magacaabo shaqsi ka soo jeeda Benaadiriga.

DSC03639 DSC03646 DSC03395 DSC03409 DSC03428 DSC03445 DSC03449 DSC03450 DSC03452 DSC03455 DSC03465 DSC03484 DSC03487 DSC03505 DSC03519 DSC03520 DSC03523 DSC03545 DSC03550 DSC03552 DSC03554 DSC03560 DSC03564 DSC03571 DSC03572 DSC03573 DSC03615DSC03646

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here