Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Guddi Usaaray Heshiis Dhanka Gaashaandhiga ah oo Dhexmaray Turkiga iyo Soomaaliya

Kadib kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho Xildhibaandaa Baarlamaanka Soomaaliaya ayaa ujeedka kulanka wuxuu ahaa in laga doodo miisaaniyada Xukuumadda sanadka 2013,hayeeshe taasi maysan  dhicin.

Kulanka ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya wuxu ku magacaabay Guddi ka kooban Shan Xildhibaano oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo ka shaqeyn doona dabagalka heshiis Dowladda iyo Turkiga dhexmaray.

Guddiga uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya magacaabaya ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Xuseen carab Ciise oo horay usoo noqday wasiirkii gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya.

Magacaabista Guddigan auyaa waxa ka dambeysay kadib markii Xukuumadda ay horkeentay Baarlamaanka Soomaaliya inay arintaasi ansixiyaan.

Safarkii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud uu ku tagay dalka Turkiga ayaa heshiiskaan wuxuu ku dhexmaray halkaasi wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya iyo Wasiirka gaashaandhiga dalka Turkiga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. wa TESTE wayr ku gudoomiyaha barlamaanka sarfa leh xildhibanada waxa ku sheekh inee sameeyan xildhibaanada inee sameeyan lacag ee iska aruuriyan 100 door bilkasat ta inee sameeyan wakan num 00 44 79 602 10 704/ mahadsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here