Guddoomiyaha Baarlamaanka oo gaaray Baydhabo

Wafdi isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Jawaari iyo wfdigiisa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoo la dajiyay hoteelka Bakiin ee duleedka Baydhabo.

Guddoomiyaha ayaa durba kulan la qaatay maamulka iyo waxgaradka ku nool degmada Baydhabo isagoo sidoo kale warbixinno ka dhageystay xildhibaannadii horay ugu sugnaa degmada Baydhabo oo gogol-xaarka u ahaa booqashadiisan.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa isagoo saxaafadda kuka hadlayay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo, wuxuu xaqiijiyay in magaalada Xudur ee xarunta gobalka ay ku soo noqotay gacanta dowladda Soomaaliya.

Xarakada Al-Shabaab ayaa qabsatay magaalada Axaddii la soo dhaafay kaddib markii ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia oo gacanta ku hayay tan iyo March-tii la soo dhaafay ay halkaas ka baxeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here