Guddoomiyaha Alshabaab ee gobolka Galguduud oo sheegay in ay difaaci doonaan degmoyinka u soo haray ee gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha ururka Alshabaab ee gobolka Galguduud Cawaale Maxamed Cali ayaa waxa uu sheegay in ay difaaci doonaan degmoyinka kale ee weli gacantooda ku jira ee ka tirsan gobolka Galguduud.

Shiikh Cawaale waxa uu qirey in gacantooda ay ka baxday degmada Ceelbuur oo xarun u ahayd ururka ALshabaab ee gobolka Galguduud ayna la wareegeen ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna iyo ciidamo Ethiopian ah.

Guddoomiyaha Alshabaab ee gobolka Galguduud Shiikh Cawaale Maxamed Cali ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Galguduud in ay ka qeybgalaan difaaca gobolka Galguduud.

Ciidamo isbahaysanaya oo ka kooban ururka Ahlu Sunna iyo ciidamo Ethiopian ah ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Ceelbuur gelinkii dambe ee shalay iyadoo ciidamadii ururka Alshabaab ay ka baxeen magaaladaas kahor inta aysan soo gaarin ciidamada isbahaysiga ah.

Ciidamada Alshabaab ayaa weli waxa gacantooda ku jira qaar ka mid ah degmoyinka gobolka Galguduud sida degmada Ceeldheer,Wabxo iyo Galcad.

Guddoomiyaha guddiga fulinta ee ururka Ahlu Sunna Shiikh Xeefow ayaa sheegay isagoo ku sugan degmada Ceelbuur in aysan ku ekaan doonin degmadaasi balse ay sii socon doonaan ilaa ay ka saarayaan ciidamada Alshabaab deegaanada ka tirsan gobolka Galguduud.