Maxaa Kasoo Baxay Kulamadii Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka

Xubnaha guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa maanta kulankooddii oo rasmi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha cusub ee Baarlaamanka iyo xubno kale.

Xubnaha guddiga ayaa maanta loo kala qaybiyey dhowr qaybood oo kala ah Gudiga Maaliyada oo qabanaaya lacagaha laga qaado musharaxiinta, Gudiga qaban qaabada doorashada ee diyaarinaya sanduuqa cod bixinta doorashada, iyo gudi Barotocol oo isna qaabilsan howlaha qabsoomida doorashada iyo sida ay u dhaceyso.

Guddiyadaan kala duwan ayaa looga fadhiyaa in ay doorashada Guddoomiyaha cusub iyo kuxgeenkiisa ay kusoo dhamaystiraan inta aan la gaarin 26-da bishaan oo ah wakhtiga la qoreeyey in ay dhacdo doorashada Gudodomiyaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Sikastaba lama oga sida ay u dhaqan gelin karto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here