Guddiga Olombikada Soomaaliya oo xarun ka furtay Baladwayne

War saxaafadeed ka soo baxay guddiga olombikada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in guddiga uu xarun ka furtay gobalada dhexe.

Guddiga ayaa sheegay arrintan in ay timid markii gobalka Hiiran ay ka billowdeen dhaqdhaqaaq dhinaca ciyaaraha.

Hadaba guddiga Olambikada Soomaaliya ayaa mudo 22 sano ah kadib waxaa uu markii ugu horeysay xafiis qaban doona howlaha guddiga a iyo guud ahaan ciyaaraha gobollka waxaa uu ka hergaliyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Cabdirashiid Aadan Rooblle oo ah xubin sare oo ka tirsan Soonka sadaxaad ee Olambikada Soomaaliya oo loo soo wakiishay furintaanka xafiiska ayaa sheegay in xafiiskan uu wax weyn ka dari doono habsami u socodka howlaha Olanbikada, isaga oo intaa ku darray in shaqo lagu faani karo bilihii ugu danbeeyay laga qabtay guud ahaan marka la eego Isboortiga gobollka Hiiraan.

‘’Waxaan halkana {Balaadweyne} si rasmi ah guddiga Olanbikada Soomaaliya ay uga hergaliyeen xafiis ka shaqeyn doona howlaha la xiriira Olanbikada gobollka iyaga oo sidoo kalana ku deeqay qalab xafiiseed,’’ ayuu yiri Cabdirashiid Aadan Rooblle.

Guddoomiyaha guddiga Olanbikada gobollka Hiiraan C/kariin Xassan C/dulle Qalaad [Yani-yaani] oo ka hadllay furintaanka xafiiska ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan xiriirka wanaagsan ee u biloowday guddiga Olanbikada gobollka iyo kan Soomaaliya, isaga oo sheegay in xarunta ama xafiiska uu wax weyn ka dari doono dar-dargalinta howlaha Isbooritaga gobollka Hiiraan.

‘’Waa mid nagu dhiiri-galinaya in aynu sii xoojino dadaalka aan ugu jirno hormarinta Isboortiga, iyo sidii aan xiriir wanaagsan ula yeelan laheyd guddiga sare ee Olanbikada Soomaaliya,’’ ayuu yiri C/kariiin Yaani-yaani.

Si kastaba, dhawaan magaalada Baladwayne waxaa lagu soo gabagabeeyay tatar kubadda cagta oo loo qabtay kooxaha ka dhisan xaafadaha magaalada, waxaana u soo daawasho tagay dad aad u badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here