Guddiga Olombikada Soomaaliya oo xaflad sagootin ah u sameeyay khabiir ka socda FIBA

 Guddiga Olombikada Soomaaliya oo xaflad sagootin ah u sameeyay khabiir ka socda FIBA
Guddiga Olombikada Soomaaliya oo xaflad sagootin ah u sameeyay khabiir ka socda FIBA

Magaalada Muqdisho waxaa xaflad sagootin ah loogu sameeyay Khabiir ka socday xiriirka kubadda koleyga aduunka ee FIBA.

Khabiirkan oo lagu magacaabo Lubamir kotleba una dhashey dalka Slovakia, ayaa dhowr cisho ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoona tababbarro bixiyay.

Khabiirkan ayaa sidoo kale xubin ka ah gudiga Olombikada caalamka ee IOC, waxaana sagootinta loo sameeyay ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan guddiga olombikada Soomaaliya.

Waxaa goobta xafladda ka hadlay xubno uu ka mid yahay gudoomiyaha GOS Cabdilaahi Axmed Tarabi iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ay aad u amaaneen khabiirka ka socday xiriirka kubadda kolayga adduunka.

Waxa ay sheegeen muddadii uu joogay Muqdisho in uu tababbarro fiican uu siiyay macalimiinta iyo qaar ka mid ah cayaartoyda kubadda kolayga Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa isna goobta ka hadlay Khabiirka u dhashay dalka Slovakia, Lubamir wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu magaalada Muqdisho uu yimaado kana bixiyo tababbar la xiriirka kubadda kolayga, wuxuuna tilmaamay in magaalada si  weyn loogu soo dhaweeyay.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada caanka ku ah kubadda kolayga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here