Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankii ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kusoo magcaabeen guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Guddiga doorashada Madaxweynaha oo ka kooban 15-Xildhibaan ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Gen. Muuse Xassan Cabdulle Guddoomiyahii KMG ahaa.
Magacyada guddiga
1. Khadiijo Maxamed Diiriye
2. Maxamed Cumar Maxamuud
3. Ibraahim Saalax Deyfullah
4. Axmed Cismaan Ibraahim
5. Sacdiyo Careys Ciise
6. Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale
7. Daahir Amiin Jeesoow
8. Cismaan Maxamed Cabdi Daallo
9. Maryan Cariif Qaasim
10. Axmed Aadan C/raxmaan
11. Saynab Maxamed Caamir
12. Axmed Aadan Axmed
13. Cismaan Libaax Ibraahim
14. Aweys C/laahi Ibraahim
15. Muumino Sheekh Cumar
Xubnahaan guddiga doorashada ayaa waxaa looga fadhiyaa in ay si wanaagsan usoo diyaariyaan doorashada Madaxweynaha dalka oo ay u taagan yihiin musharaxiin badan.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com