Guddiga Doorashada oo maamul goboleedyada u qabtay 2 maalin ineey kusoo gudbiyaan..

jkWar qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah oo ah waqtiga doorashada Soomaaliya u diray maamul goboleedyada, gaar ahaan xilliga la soo gudbinayo xubnaha Aqalka Sare ee laga sugayo Dowlad Goboleedyada.

Keynan, oo ah Afhayeenka Guddiga  ayaa Sheegay in maamul goboleedyada looga baahan yahay in laba maalmood ay haystan oo ay ku soo gudbiyaan xubnaha aqalka sare, labadaas maalmood ay maanta ku jirto.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in xubnihii Aqalka sare ee Koofur Galbeed ka imaanaya ay diyaar yihiin oo uu guddiga doorshada u gudbin doono. Waana dowlad goboleedka kaliya ee ka sheegay in muddo labo cisho ah ku soo gudbin doonaan.

Shanta October oo ku beegneyd shalay ayaa la filayay in Guddiga Doorashooyinka loo soo gudbiyo Xubnaha Aqalka sare ee Dowladda Soomaaliya,balse Guddigu waxaa uu sheegay inuu dib u dhac ku yimid waxaana Maamul Goboleedyada uu Guddigu ugu baaqay in ay Labo Maalin oo Maanta ku jirto ay u soo gudbiyaan Guddiga Doorshooyinka Dadban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here