Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo Maanta Shiraaya

Guddiga doorashada ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaaya kulankoodii ugu horeeyey.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah Guddiga Doorashada Madwxeynaha Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta markii ugu horeysay kulan ay ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho.

Waxaana waxyaabaha ugu badan oo ay kaga hadlayaan uu sheegay inay tahay sidii loogu dhawaaqi lahaa Xilliga ay dhacayso Doorashada Madaxweynaha Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddiga ayaa Dooranaya maanta Afhayeenka iyo Qasnajiga Guddiga sida uu sheegay xildhibaan Maxamed Cumar.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa sheegay inay sharaxaad dheeraad ah ka bixin doonaan Waxyaabaha looga baahan yahay Musharixiinta Madaxweynaha,

Horay ayaa xog aan helnay waxay sheegaysay in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono 5-ta bisha September ee soo socota hase yeeshee lama oga sida ay u hirgali karto arrintaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here