Guddiga Amniga Qaranka oo go’aamiyey in maamulada gobolada ay xilka hayaan muddo 3 bilood ah iyo qoddobo kale

War saxaafadeed ay soo saareen Guddiga Amniga Qaranka ayaa lagu shaaciyey go’aano ay gaareen guddigan kulan ay maanta ku  yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulankan oo shir guddoominayay madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa qoddobadii laga soo saaray waxaa ka mid ahaa in guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka laga saaro ururka Alshabaab  ay xafiisyada maamulaan si ku meel gaar ah  muddo saddex bilood ah, kaddibna la qabto doorashooyin xilalkaasi ku saabsan.

Go’aankan ayaa waxaa uu imanayaa maalin kadib markii uu la magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa lagu go’aamiyey in la dardargeliyo ololihii ku saabsanaa ka saaridda dadka guryaha dowladda degenaa.

Kulankan ayaa waxaa kale oo lagu go’aamiyey in duleedka Muqdisho laga hirgeliyo xero weyn oo lagu baxnaaninayo qoysaska barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, si halkaasi la isugu geeyo, islamarkaana ay u sahlanaato in  dib loogu celin karo goobihii ay markii hore ka soo barakaceen.

Kulankaan oo uu shir guddoominayay madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya  Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, R/wasaare C/weli Max’ed Cali Gaas iyo xubno kale oo ka tirsan gudigaas.

 

 

1 COMMENT

  1. Asc salankadib ad iyo ad ayey u wanagsantahay hantida shacabka kadhaxeysa in dib gacanta dowlada dib ugu solabato gobaha wax barashada sida gobihi cafimadka tedakale waxan kacodsaneyna dowlada in ey dib udajin usameyso kana fikirto dadka eytalada u heyso mararka qarbadmaqleysa askari ayaa risaas kufuran shaqsiga marku holqabanaya waxa lobahanyahay hosho mexeytahay war makasodhalaalikarta sidaso kale ayaladonaya in askariga ufikiro waxa saran masuliyada dalka iyo dadka mahan in u wuxu dona dilo wuxu donana salamulah i am citiz…kkk

Comments are closed.