Guddi loo saarayo dib-u-eegista xeerka warbaahinta Soomaaliya

 

Guddi loo saarayo dib-u-eegista xeerka warbaahinta Soomaaliya
Guddi loo saarayo dib-u-eegista xeerka warbaahinta Soomaaliya

Wasaaradda warfaafinta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya iyo warbaahinta ka howlgasha dalka ayaa isku raacay sameynta guddiga dib-u-eegista xeerka warbaahinta Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta, Mustafa Sheekh Cali (Dhuxulow) oo shaley ka qeybgalay kulan looga arrinsanayay xeerka warbaahinta dalka ayaa xubnihii warbaahinta u bandhigay inay guddiga soo dhistaan, in kastoo dood dheer kaddib ay warbaahintu wasaaraddu u deysay qorshaha guddiga lagu sameynayo.

Faarax Cabdi Warsame oo ku hadlayay magaca warbaahinta ayaa sheegay in sameynta guddiga ay saxafiyiintu uga dambeynayaan wasaaradda warfaafinta.

Guddoomiyaha Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa madasha ka sheegay in wasaaradda looga fadhiyo guddi hufan oo soo afjari kara mad-madowga u dhexeeya suxufiyiinta iyo xeerka saxaafadda.

Wasiirka warfaafinta Mustafa Dhuxulow ayaa sheegay in had iyo goor uu garab taagan yahay warbaahinta dalka, lana soo dhisi doono guddi soo afjara tuhunka ka jira xeerka.

Xigasho: BRK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here