Guddi ku baaqay in la xoojiyo cuna-qabatayntii dhanka hubka ee Somalia

Hubka dowladda la siiyo oo la sheegay in loo udbiyo Al-Shabaab
Hubka dowladda la siiyo oo la sheegay in loo udbiyo Al-Shabaab

Warbixin ay soo saartay qaramada midoobey ayaa ka digtay khaladaad ay dowladda soomaaliya ku sameeysay dabcintii kal hore laga dabciyay xayiraaddii hubka ee saarnayd, kuwaasi oo u sahlay in hubka loo weeciyo dhanka kooxda islaamiga ee Al-Shabaab.

Warbixintaan loo diyaariyay guddiga qaramada midoobey u qaabilsan cunaqabataynta ayaa ku baaqaya in si buuxda dib loogu soo rogo cuna-qabatayntii dhanka hubka ee Soomaaliya, taasi oo la dabciyay sanadkii la soo dhaafay.

Warbixinta ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan xafiiska madaxweynaha in uu hubka siiyo Al-Shabaab iyo maleeshiyaad ay isku qabiil yihiin, taasoo muujineysa in dowladda ay jabisay dhaqan galida hubka saaran Soomaaliya.

Guddigan ayaa sidoo kale sheegay in hubka la siiyo dowladda Soomaaliya in si sharci daro ah loogu iibiyo suuqyada Muqdisho.

Ugu dambeyn warbixinta ay soo saareen guddiga madaxa banaan ayaa sheegay in ay dhib ku noqotay in ay soo arkaan hubka dowladda Soomaaliya la siiyo.

Siddee u aragtaa Akhriste qoraalkan?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here