Gud. Jawaari: “Lacag lagama bixin karo Khasnada Doowlada”

gudoomiyaha-baarlamanka-jawaariAfhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay in aan khasnadda Banigaga Dowladda wax lacag ah laga saari karin laga bilaabo Salaasada oo ku beegan 01 April 2014, haddii laga saarayona waa in ay tahay mid baarlamaanku ka warqabo, sida uu afhayeenku amarkiisa u dhigey,. Waqtigaas oo ku aadan xilliga ay bilaabayso dooda Miisaaniyaddu, waxaana Baarlamaanku ku macneeyey in Miisaaniyadda su’aalo badan laga qabo.

“Wax Alle iyo wixii hanti ah ama lacag ah ee ku jirta qasnadda dowladda waxaa iska leh shacabka, shacabkana waxaa ka wakiil ah baarlamaanka, golaha shacabkuna waxa uusan idmin lama bixin karo, sidaa daraadeed 1da April wax lacag ah lagama bixin karo bankiga, Wasaarada Maaliyadda ayaan warqad u qoreynaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ma cadda sida uu dastuuriyan u yahay go’aankan ama sharciga uu hasyto maadaama Baarlamaanku uu lee yahay la xisaabtan wixii baxay, ee xanibaadda caynkan ah ay leedahay maxkmadda sare iyo madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here