Guardiola oo xaqiijiyey inuu ka tagayo Barcelona bisha June

Macalinka kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa xaqiijiyey inuu ka tagi doono naadiga marka la gaaro dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Macalinkan 41 jirka ah ayaa mar horaba ku war geliyey dhalinyarada uu tababar saakadi hore inuu ka gatao kooxda, balse ninkaan kasoo jeedo gobolka Catalania ayaa galabta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Barcelona si waadix ah ugu sheegay warbaahinta inuusan wax qandaraas ah ku dari doonin.

Laacibki hore ee xulka Spain ayaa afarti sano ee uu kooxda la joogay u qaaday sadex horyaal oo ah La Ligaha Spain, laba koob oo ah Champions Leagues iyo koobab kale sida koobka Eufa Super Cup, Club World Cup, Supercopa, iyo Coppa Dela Ray, marka la isku darana mudada kooban ee uu kooxda hogaaminayey wuxuu qaaday 13 koob.

Waxa uu xilka kala wareegay sanadki 2008 macalinki hore Frank Rijkaard waxaana xiligaasi laga soo wareejiyey xilka tababaraha kooxda Barcelona B.

Guardiola wuxuu sheegay go,aankiisa ah inuu kooxda ka tagayo uu ku wargeliyey maamulka deyrti lasoo dhaafay, balse uu haatan go,aansaday inuu u sheego ciyaartooydisa, kadib marki uu ku guuldareystay inuu qaado sanadkaan koobka Champions League iyo horyaalka Spain ee La Liga.

“Waxaan rabaa in aan idin fahan siiyo arrintan, ma ahan go,aan fudud, laakin waxaan isku dayayaa in aan idiin sharaxo waxa aan dareemayo waxaana rajeynayaa dadka in ay i fahmi doonaan, waxaan aad uga xumahay wareerka iyo qaska nagu dhacay labadi todobaad ee lasoo dhaafay,” ayuu yiri.

Ugu danbeynti macalinkaan ayaa sheegay inuusan qaban doonin xil koox kale ilaa uu ka dhameysanayo waqti uu sheegay inuu kaga nasan doono shaqada tababarnimada kooxaha kubada cakta.

Warkaan wuxuu dhabar jab ku noqonayaa kooxo badna oo lala xiriirnayey sida, Chelsea, Inter Milan iyo AC Milan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.