Guardiola oo sheegay Bayern Munich in looga fadhiyo la soo wareegida Rooney

Tababaraha kooxda Bayern Munich Pep Guardiola, ayaa sheegay in kooxda Germalka ka dhisan looga fadhiyo in ay la soo wareegto weerrar yahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney.

Sida uu qoray wargeyska The Times, Guardiola ayaa aad ugu han weyn  in Rooney, mar uun uu yimaado  garoonka kooxda Bayer Munich Alliance Arena .

Wuxuu sheegay in kooxda hadda ay diyaarisay lacag gaareyso illaa £20million-taasoo lagu doonayo xidigga cusub oo ka ciyaara dhinaca weerrarka.

Bayern ayaa dhowr horre isku day badan sameesay taasoo ah in la soo wareegto Rooney.

Haddii ay suura gal  noqoto in Kooxda uu ku soo biiro waxa uu toddobaadkii mushaar ahaan u qaadan doonaa £230,000-, lakin lama hubo in uu Manchester ka tagayo xilli ciyaareedkan..

Guardiola ayaa sheegay intii uu joogay kooxda caanka ee Barcelona uu labo jeer isaga hor imaadeen ciyaarta kama dambeesta. koobka kooxaha qaarada Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here