Guardiola oo laga yaabo in uu noqdo macalinka cusub ee Man Utd

Macalin Pep Guardiola oo hadda aan shaqa heynin, ayaa shaaciyay in uusan xiiso u qabin shaqo uu ka qabto kooxda Manchester City, laakin wuxuu yiri haddii aan shaqo ka raadsanayo Ingiriiska waxa aan rabaa kooxda job Manchester United. Wargeyska the Daily Star Sunday ayaa sheegay in madaxa ciyaaraha kooxda Man City Txiki Begiristain uu kulan la qaatay macalinkii hore kooxda Barcelona, wuxuna u sheegay in uu doonayo in ay la soo wareegaan, laakin wuxuu u sheegay macalinka reer Spain in uu doonayo kooda Man United. Waxa soo baxaya warar sheegaya in macalinka da’da ah ee hadda lee liya kooxda  Sir Alex Ferguson uu ciyaaraha ka fadhiisan doono, waxana booskaas isku diyaarinaya Guardiola. Kooxda Man City,ayaa si weyn u rabta 41-jirkan ee  Guardiola, 41,laakin rajadaas waa mid aan la hubin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here