Guardiola:-Bayern waligeed lama soo wareegi doonto Messi

274238_heroaTabbabare Pep Guardiola ayaa meesha ka saaray warar la isla dhex-maraayay oo ah in uu Lionel Messi keeno kooxda Bayern Munich.

Tabbabaraha kooxda Spain oo shaqada la wareegay kooxda heesata horiyaalka Bundesliga iyo koobka Yurub, wuxuu kala soo wareegay kooxda Barcelona, Thiago Alcantara kaasoo la keenay garoonka Allianz Arena.

Guardiola ayaa sheegay xidigga reer Argentine,oo ah 26-jir in uusan go’aansan in uu ka tago kooxda.

“[Madaxweynaha Bayern] Uli Hoeness ilaa hadda nooma sheegin lacag uu ku kharash gareeyo Messi,”ayuu u sheegay warbaahinta.

“Bayern Munich ilaa hadda iskuma dayihin in ay ciyaaryahan kala timaadodo Barcelona.” Ayuu sheegay macalinkii hore ee kooxda Barca.

Kooxda Bayern ayaa isku diyaarineysa in ka badan toddobo kulan 22-ka cisho ee soo socota.

Bayern waxa ay Sabtida maanta la ciyaari doontaa horiyaalka Gemany Hannover halka gurigeeda ay gurigeeda ay kula ciyaari doontaa tartanka Yurub ee Champions League kooxda Russia ee CSKA Moscow Salaasada soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here