GOS oo qalab Sports ugu deeqay xiriirka kubbadda Kolayga

GoosXaflad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa guddiga olombikada Soomaaliyeed ee GOS,waxa ay qalab Sports guddoonsiiyay xiriirka kubbadda kolayga Soomaaliya.

Sida uu xafladda ka sheegay Duraan Axmed Faarax oo ah xoghayaha GOS, waxa ay bixiyeen qalab ka kooban kubbado iyo saacado casri oo loogu talagalay ciyaarta kubadda kolayga.

Mr. Duraan ayaa saxaafadda u sheegya in qalabkan GOS uu soo gaarsiiyay xiriirka kubbadda Kolayga Afrika.

Sidoo kale, gudoomiyaha GOS, Cabdillaahi Axmed Tarabbi, ayaa xafladda ka sheegay in qalabkan uu hordhac u yahay qalab isboorti oo ay ugu tala galeen in ay guddoon siiyaan xiriirrada si wanaagsan u shaqeeyay, isagoo si gaar ah u ammaanay xiriirka kubbadda kolayga.

Guddoomiyaha xiriirka kubbadda Kolayga Soomaaliya Cabdullaahi Nuur Maxamed (Caddaani), ayaa uga mahad celiyay GOS qalabka ay soo gaarsiiyeen oo uu ku sheegay in uu ahaa mid ay baahi u qabeen.

Si kastaba, arrintan ayaa ka dambeesay kaddib markii masuuliyiinta GOS ay dhawaan dalka Ivory Coast uga qeyb galay, shirweynaha FIBA Afrika, halkaas oo ay sheegeen in qalabkan laga soo siiyay oo loogu tala galay in lagu hormariyo kubbadda Kolayga Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya waxaa la sheegaa in marka laga hadlaayo guulaha dhinaca ciyaaraha ugu badan ay ku gaareen kubadda kolayga, waxaa Soomaaliya ay lee dahay ciyaartoy magaca ku leh kubadda kolayga.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here