GOS oo qalab Sports siisay xiriirada Sportska iyo dugsiyada gobalka Banaadir

GOS oo qalab Sports siisay xiriirada Sportska iyo dugsiyada gobalka Banaadir
GOS oo qalab Sports siisay xiriirada Sportska iyo dugsiyada gobalka Banaadir

Guddiga Olombikada Soomaaliyee ee loo soo gaabiyo GOS ayaa qalab Sports siiyay xiriirada iyo dugsiyada ka dhisan gobalka Banaadir.

Xaflad lagu soo bandhigaayay qalabka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan guddiga olombikada Soomaaliyeed ee GOS.

Guddoomiyaha guddiga olombikada Soomaaliyeed ee GOS Cabduulaahi Axmed Tarrabbi oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in qalabka la qaybiyay looga gun lee yahay siddii loo dhiiri galin lahaa cayaaraha dalka isla markaana laga soo billaabi lahaa heerka hoose.

Si kastaba dhammaan, xiriiriada la siiyay qalabkan, oo ka mid ahaa kubadda cagta, kolayga,laliska,miiska, cayaaraha fudud iyo 25-dugsi oo ka dhisan magaalada Muqdisho.

Dhamaman xiriirada iyo dugsiyada la siiyay qalabka ayaa u mahad celiyay guddiga olombikada Soomaaliyeed, waxaana ay sheegeen in ay qalabkaas ka faa’ideesan doonaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here