GOS oo ku faraxsan tababbarka Barcelona

Xoghayaha guud ee guddigga Olmbiyada Soomaaliyeed Duran Ahmed Farah
Xoghayaha guud ee guddigga Olmbiyada Soomaaliyeed Duran Ahmed Farah

Xoghyaha guddiga olombikada Soomaaliyeedm, Duraan Axmed Faarax ayaa soo dhaweeyay barnaamij cusub oo lagu tababbarraayo cayaartoyda Soomaalida ee wax ka bartay Iskuulada ku yaalla Muqdisho.

Barnaamijan oo GOS ay ka gacan siinayaan hey’adda Sports oo ka tirsan naadiga Barceona ee dalka Spain, ayaa looga gun lee yahay siddii loo heli lahaa Jiil cusub oo cayaaraha ku soo biira, maadama dalka Soomaaliya oo dagaallo ku jiray 22-sanno aaney jirin cayaartoy la siiyay tababbar fiican.

Mr. Duraan ayaa sheegay in barnaamijkan uu qayb ka yahay siddii loo meel marin lahaa qorshe ay soo bandhigeen guddiga Olombikada OlympAfrica Futbolnet kaasoo lagu doonayo in lagu helo cayaartoy muhiim ah.

“OlympAfrica ayaa ka howgalayay Soomaaliya tan iyo sannadkii 2009, xiiligaas oo Soomaliya ay ku guuleesatay barnaamijyada horrumarinta ee OlympAfrica, siddaas oo ay tahay waxa ay dhawaan Muqdisho ka hirgaliyeen tababbar la siinaayo macalimiinta waana tababbarkii ugu horreeyay ee lagu qabto Soomaaliya” sidaas waxaa sheegay Duraan Axmed oo soo saaray Warsaxafeed.

Wuxuu kaloo u mahadceliyay OlympAfrica oo sii wada dedaalada ku aadan in ay ka caawiyaan Soomaalida barnaamijyada horrumarinta cayaara kuwaasoo la siinaayo 35 dal oo ku yaalla Afrika kuwaasoo ka faa’iday barnaamijka OlympAfrica.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here