Goormee kuugu danbeysay Isgoyska Zoobe (KM-5) ee magaalada Muqdisho (Daawio Sawirada)

Isgoyska KM-5 ama Zoobe oo waxa uu ka mid yahay kuwa ugu caansan isla markaana ugu istaraatijisan magaalada Muqdisho, hase yeeshee haatan waxa uu noqday kuwa ugu mashquulka badan xiligaan.

Wadadaan oo qeybiso jidadka kala aada Madina, Isgoyska Banaadir ilaa jidka Ex-koontarool Afgooye iyo Jidka KM-4 ayaa waxaa tan iyo sanadki 2011 ay noqotay meel camiran oo uu ganacsigana ku badanyahay.

Goobaha ganacsiga ah ee cusub waxa ay dhismeen marki uu xirmay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho bartamaha sanadki tagay xiligaasi oo ay ka socdeen dagaalo iyo duqeymo u dhaxeeyey ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab.

Isgoyska geesahiisa waxaa ku yaalo xarumo kala duwan sida, Hotelo, Carwooyin, Maqaayado, Shirkado Xawaalado, kuwo Isgaarsiin iyo qaar kale oo lagu iibiyo dharka, kabaha iyo sidoo kale alaabo kala duwan.

Marka la gaaro 11:00 barqanimo ilaa iyo 1:00 duhurnimo wadada Zoobe waxaa ay noqotaa jaam ama ciriir sababtoo ah waxaa isku badan gaadiidka kala duwan ee isticmaalka.

Hadaba sawirqaadaha Midnimo.com ayaa booqday isgoyska Zoobe oo nooga soo qaaday sawiradaan ee nala daawada.


By: Sami Adow

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.