Goormee ayuu furmayaa tartanka xidiggaha?

Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kibadda cagta
Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kibadda cagta

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa manta oo Axad ah shaaciyay in dhawaan magaalada Muqdisho uu ka furmi doono tartanka xidiggaha, kuwaasoo ay ka qaybgalayaan cayaartoy da’dooda u dhexeyso 20 ilaa 23-jir.

Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, Cabdiqani Saciid Carab ayaa warbaahinta u sheegay in tartankan uu berri si rasmi ah uga billaaban doono garoonka caalamiga ee Banaadir, waxaana ka qaybgali doona afar kooxood oo laga soo xulay kooxaha heerka koowaad iyo heerka laabad ayuu yiri.

Afarta koox ee tartanka xidiggaha ka qaybgalaya ayaa kala ah: Bulsho, Horrumar. Himilo iyo Rajo.

Xiriirka Soomaaliyeed ayaa sheegay in tartanka lagu fiirsan doono 10kun oo shilling Somali ah, waama maalinta berri ah lagu furi doonaa tartanka kooxaha Himilo iyo Horumar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here