Goormee ayey ku dambeesay cayaartan?+Sawirro

Cayaarta Kabdhood oo dib loo soo celiyay
Cayaarta Kabdhood oo dib loo soo celiyay

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bogga Midnimo.com, waxaan idiin soo gudbineynaa warbixin ka hadleysa horrumarka magaalada Muqdisho.

Danjire Maxamed Nuur Ameerico iyo Khalif Abdulkhadir Moalin Nur
Danjire Maxamed Nuur Ameerico iyo Khalif Abdulkhadir Moalin Nur

1779282_654156461296655_1282350615_n

Goormee ayey ku dambeesay cayaartan?
Goormee ayey ku dambeesay cayaartan?

Muqdisho labadii sanno ee la soo dhaafay waxaa imaanayay dadka ka yimaada qurbaha, kuwaasoo magaalada ka hirgaliyay mashaariif fara badan.

Sidaas oo ay tahay haddana magaalada waxaa ku arkeysaa meelaha qaar in dib loo soo celiyay dhaqano mar horre ugu dambeesay.

Wariye ka tirsan Bogga Midnimo.com ayaa shaley booqday degmooyinka Boondheere iyo Shangaani,wuxuuna halkaas ku soo arkayay odayl cayaaraya cayaarta loo yaqaano Kabdhood.

Cayaartan waxaa laga cayaaraa Koonfurta Soomaaliya, gaar Muqdisho iyo meelaha ku dhow dhow, waxaa loo adeegsadaa gamuun iyo khaanso.

Haddaba sawirradan waxaa ka muuqda Danjire Maxamed Nuur Ameerico oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, iyo Khaliif Cabduqaadir Macallin Nuur oo ah sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna.

Meelaha qaar lacag ayaa la isku dhigtaa ama wax yaabo kale oo muhiim ah.

Waxa ay ka mid tahay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ay u lee dahay Soomaalida.

Inta badan waxaa cayaara odayaasha Sheebka ah in kastoo meelaha qaar aad ku arkeyso dhallinyaro.

Akhrsite maxaa kaaga baxay sheekadan, noo soo qor aragtidaada?

 

1 COMMENT

  1. Waa cayaar fiican hase ahaate qormada ma xusin magaca cayaartaan. Dad badan ayaa isweydiiyay magaca. Labo beri ka dib ayaa nin taleefan noogu sheegay macageeda: Kabdhood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here