Goorma ayay bilaabanayaan duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho & Nairobi?

Waa mid kamid ah Diyaaradaha Shacabka oo ka duuleysa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Abdule International
Waa mid kamid ah Diyaaradaha Shacabka oo ka duuleysa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Abdule International

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in bisha December ee sannadkan uu billaaban doono duulimaadka tooska ee Soomaaliya iyo Nairobi, iyadoo meesha laga saari doono in lagu sii hakado garoonka ku yaalla magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Aamiina Maxamed ayaa ka sheegtay Muqdisho Talaadadii shaley in dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay isku raaceyn in la billaabo bisha December duulimaadyadyo toos ah oo tagaya Nairobi.

“Labada Madaxweyne waxay isku raaceyn in ay ka wada shaqeeyaan in meesha laga saaro joojinta diyaaradaha Muqdisho ka baxa ee Nairobi u socda kuwaasoo lagu hakiyo Wajeer balse waa in laga shaqeeyo ammaanka labada garoon Muqdisho iyo Jomo Kenyatta. Waxaana arrintaas si buuxda uu hirgali doontaa seddaxda bil ee soo socda” ayey tiri Aamiina Maxamed.

Heshiiska labada madaxweyne ayaa waxbo ka beddeli doonaan ilaa bisha December balse waxaa si rasmi ah loo dhaqan galin doonaa marka la gaaro bishaas.

Duulimaadka Nairobi ilaa Muqdisho waxa uu qaataa Hal Saac iyo Bar,

Si kastaba, Soomaaliya dhowr jeer ayey ka codsatay dowladda Kenya in ay oggolaato duulimaadka Tooska ah, bishii February labo kulan ayaa ka dhacay intii uu socday shirkii Modowga Afrika ee ka dhacay Addis Ababa, waxaana wasiirka arrimaha dibadda Sooaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar uu kala hadlay arrintan dhiggiisa Kenya Aamiina Maxamed, waxaana ay ballan qaadey wasiirka arrimaha dibadda Kenya inay arrintan ka shaqeen doonaan siddii loo hirgalin lahaa.

Dadka Soomaalida ee ka soo dhoofa Kenya ama kuwa ka duula Muqdisho ayaa dhib weyn ku qaba baaritaanka Wajeer iyo joojinta duulimaadyada Wajeer halkaasoo lagu baaro rakaabka diyaaradaha iyo waxa ay wataan.

Xigasho: Soomaalikabe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here