Goorma ayaa la dooranayaa madaxweynaha maamulka Hirshabelle?

jowhar8Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo sidoo kale ku xigeenkiisa ayaa lagu wadaa in la doorto berri.

Ciidanka ammaanka ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Jowhar iyo sidoo kale goobta uu shirku ka socdo ka dib markii shalay Maleeshiyo hubeysan ay la wareegtay goobta uu shirku ka socdo.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in xaalada hada ay degan tahay , islamarkaana maalinta berri ah la dooran doono Madaxweynaha maamulka Hirshabelle iyo sidoo kale ku xigeenkiisa.

Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya aya lagu wadaa in ay ka qeyb galaan doorashada Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here