Gool haye Valdes oo afar kulan la ganaaxay

Gool hayaha kooxda Barcelona  Victor Valdes ayaa la ganaaxay afar ciyaar kaddib markii laga saaray ciyaartii  2-1-ka ku dhammaatay ee horiyaalka Spain La Liga oo ay ka adkaatay Real Madrid.

Intii ay socotay ciyaartaas ayaa loo tagaay kaarka casaanka ciyaartanaha laga saaray markii u aflagaadeeyay garsoore Miguel Angel Perez Lasa oo ka diidday Barcelona in billaabato ciyaarta.

Dhinaca kale, war qoraal ah oo ka soo baxay Barcelona oo la soo galiyay barta ay Internet-ka ku lee dahay ayaa lagu sheegay in aysan aqbali doonin ganaaxa la dul dhigay kooxda, waxaana ay sheegtay in si sharci cabasho uga geyneyso tallaabadaas.

Gool haye Valdes ayaa ka maqnaanaya kulanka horiyaalka Primera Division ay kaga soo horjeedo kooxaha Deportivo La Coruna, Rayo Vallecano, Celta de Vigo iyo Real Mallorca haddii aysan racfaan ka qaadan.

31-jirkan ayaa ayaa 26-kulan oo horiyaalka Spain ka soo muuqday.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here