Sawiro: Goobaha lagu jimicsado oo ku soo badanaya Muqdisho (Warbixin)

Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, waxaa labadii sanno ee la soo dhaafay ka socday dib u dhis xooggan oo ah xagga horrumarka iyo ganacsiga.

Magaalada waxaa ku soo laabtay ganacsato iyo dad ka yid waddamada qurbaha kuwaasoo doonaya in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalkooda oo in ka badan 20-sanno burbursanaa kaddib dagaalo wajiyo badan oo ka dhacay.jirdhis 011

Magaalada waxaa laga dhisay xarumo ganacsi oo aad u ballaaran kuwaasoo aad islee dahay waxaad joogtaa Yurub ama Asia.

Sidoo kale hotelo casri ah oo laga helo wax kasta ayaa iyana laga muday, sidaas si la mid ah magaalada waxaa ku soo badanaya xarumaha jimicsiga ee jirka lagu dhiso.

Haddaba wariyaasha bogga Midnimo.com,ee Muqdisho ayaa booqday  xarun ka mid ah goobaha Jimicsiga, taasoo ay subixii ilaa habeenkii ay yimaadaan qaybaha kala duwan bulshada, kuwaasoo doonaya in ay ku jimicsadaan.

Maamulaha xaruntan oo lagu magacaabo Yuusuf Sheekh Barre, kana mid ah qurba joogta ku laabtay dalka ayaa u sheegay Shabakadda Midnimo.com, in xaruntan uu u furay siddii ay Soomaalida ku dhaqan dalka ugu jimicsan lahaayeen.

jirdhis 012

Wuxuu sheegay in maalintii isku celcelin ay xarunta yimaadaan dad lagu qiyaasay 100 ilaa 80 kuwaaso u badan dhallinyaro.

Wuxuu kaloo sheegay Yuusuf in xaruntan uu furay markii uu arkay dadka Soomaalida in aysan sameen jirdhis kaasoo caafimaad ahaan iyo maskax ahaan aad u fiican.

Qaar badan oo ah dadka halkan ku tabbabarta waa kuwa qaba cuduro sida Macaanka ama Sonkorta.

Sidoo kale waxaa goobta yimaada rag iyo dumar kuwaasoo cayilan doonayana inay iska yareeyaan hilibka saaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here